Xukuumada Somaliland oo ka qayb gashay shir lagaga hadlayay daadejinta maamulka D/Hoose iyo maamul wanaaga






Hargeysa January 16 2009 (Saxannews)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada Wefti ka tirsan Wasaarada Arrimaha guddaha oo hawlo shaqo ku tegay Kenya gaar ahaana caasimada Niarobi, waxaanu sheegay Agaasimaha Guud in ujeedada ay u tageen isaga iyo todobada xubnood ee ka socda Wasaarada Arrimaha Guduhu ay ahayd mashruuc ku saabsan daadejinta maamulka D/Hoose iyo maamul wanaaga, taas oo uu xusay in laga hirgelin doono Gobolada Somaliland labada sanno ee soo socda.

Agaasimaha guud waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay ugu waramayay saxaafada qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay safarkaasi isaga iyo weftigii uu watay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Aadan Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay inay Hay’adaha UN-ta ee ku sugan dalka Nairobi ay kala hadleen arrimo la xidhiidha isbedalkii ay sameeyeen wixii ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa, taasi oo keentay inay wax ka bedalaan Hay’adaha Qaramada Midoobay shaqooyinkii ay ka wadeen Somaliland.

Agaasimaha oo ka hadlaya ujeedada safarkooda iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen waxa uu yidhi”Waxaanu halkan kaga tagnay aniga iyo todob xunood oo ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha. Ujeedada aanu u tagnay Nairobina waxay ahayd mashruuc ah sidoo loo qaabayn lahaa loona hawl gelin lahaa mashruuca D/Hoose iyo maamul wanaaga.

Run ahaantii, waxa ka soo qayb galay UNDP, UNICEF, DRC iyo World Bank-ka.

Ujeeda safarkayagu waxay ahayd maadaama oo wayn iska bedaleen sidii ay u shaqayn jireen Hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, intii ka danbaysay qaraxyadii argagixiso ee 29 Oct, ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Sidii dib u eegis loogu samayn lahaa mashaariic hore la isula qaatay bilowgii iyo waxyaabo badan oo kale iyo sidii wax looga badeli lahaa.

Runtii shirkaasi oo maalintii Arbacadii soo gebogaboobay si fiican ayuu u dhamaaday waxaanu isla qaadanay qaabkii aanu u wada shaqayn lahayn labada sano ee soo socda oo aanu ka hawlgelayno 12 Degmo oo ka tirsan Gobolada Somaliland.
                                     
HOME