| Hargeysa (Ogaal)- Xubno ka tirsan Saraakiisha dhinaca amaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa shalay safar ku yimi magaalada Hargeysa. Inkastoo aan rasmi ahaan wax war ah laga soo saarin socdaalka khubaradan amaanka UN-ka qaabilsan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, weftigan oo tiradoodu tahay shan xubnood waxa uu socdaalkooda Somaliland la xidhiidhaa sidii ay qiimayn iyo indho-indhayn ugu samayn lahaayeen dib-u-dhis lagu sameeyay xafiiska UNDP ee Hargeysa oo burbur ka soo gaadhay qaraxyadii 29 Oct. Warku wuxuu intaa ku daray, in socdaalka qiimaynta ah ee ay u socdaan ay qayb ka tahay sidii ay go’aan uga gaadhi lahaayeen in Xafiiska UNDP ee Hargeysa yahay goob amni ahaan ku haboon. Saraakiishan oo gelinkii hore ee shalay dalka soo gaadhay, waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Madaxa UNDP xafiiskeeda Hargeysa Yahya Palma iyo wakiilada hay’adda UN-ka ee dalka jooga qaarkood, isla markaana waxa la dejiyay Hotelka Ambassador oo aan ka fogayn Madaarka. Siday ilahaasi tibaaxeen, socdaalka haatan ee khubaradan amniga Qaramada Midoobay qaabilsan, waxa ka horeeyay oo dhowaan socdaal kan xidhiidh la leh Hargeysa ku yimi laba xubnood oo iyana ka tirsan Saraakiisha amaanka UN-ka. Weftigan oo sida la sheegay ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lama sheegin muddada uu qaadan doono safarkooda Somaliland. Tan iyo intii ka dambaysay qaraxyadii Argagixiso ee 29 Oct lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala caasimada Hargeysa, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee UNDP waxay ku shaqaysaa xafiisyo kumeel-gaadh ah. Dhinaca kale, wararka qaarkood waxay sheegeen in socdaalka khubaradan dhinaca amaanka UN-ku gogol-xaadh u yahay socdaal sida la sheegay uu Hargeysa todobaadkan ku iman doono Isuduwaha Xafiiska arrimaha Gargaarka Bani-aadaminimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu magacaabo Mr. Mark Bowden, kaasoo horaantii bishii November 2008 socdaal muddo kooban qaatay ku yimi Hargeysa. Source Ogaal |