Waftigii Xukuumada Ee Jibouti Oo Sidii Caadiga Ahayd Sheegay In Uu Dalkaasi Xafiis Ka Furanayo Hargaysa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inay Dawladda Jabuuti ku soo heshiiyeen in si dhakhso ah labada dhinac ee Jabuuti iyo Somaliland ay xafiisyadoodii uga furtaan magaalooyinka Hargeysa iyo Djabuuti. Taasi oo uu sheegay inay sii xoojinayso xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland. Sidaana wuxuu ku sheegay Wasiirka Maaliyadu Cawil Cali Ducaale, mar uu saxaafada shalay ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargaysa, markii Wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibeda, Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo muddo shan cisho ah safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti. Cawil Cali Ducaale, Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in intii ay ku sugnaayeen Jabuuti ay kulamo la yeesheen Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiirada dhigooda ah ee dalkaasi. Waxaanu xusay inay kulamadaasi kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalah iyo nabadgelyada. Wasiirka Maaliyadu waxa uu intaasi ku daray in mas’uuliyiinta Jabuuti ay ka balan qaadeen inay u qaban doonaan wax kasta oo ay ku dhaamaan Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn safar shaqo aanu ku tagnay dalka Jabuuti, kaas oo ku salaysnaa xidhiidhka naga dhexeeya dalka Jabuuti. Djabuuti waa dad aynu walaalo nahay oo ay na kala qaybso uun xuduud uu gumaystihii na dhex dhigay waa dad aynu isku dhaqan iyo isku diin nahay, intii aanu Jabuuti joognayna waxaanu la kulanay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo Wasiirada dalkaasi ee dhigaya ah. Si sharaf leh ayay noo soo dhaweeyeen wada hadalada aanu yeelanayna waxay ahaayeen qaar ka turjumay xidhiidhka Walaaltinimo ee inaga dhexeeya sidii loo sii xoojin lahaa. Markii aanu kulamadaasi dhamaysanayna anaga (Weftigii Somaliland) iyo Wasiiradii dhigaya Djabuuti waxaanu soo wada saarnay war murtiyeed”. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray oo uu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen sidii ay labada dal uga furan lahaayeen xafiisyo ay u joogaan Wakiilo labada dawladood metaleya xidhiidh ka dhexeeya labada wadan “Waxaanu isla qaadnay in la furo labadii xafiis ee labada dal ka kala furan lahaayeen Hargeysa iyo Jabuuti, had iyo jeerna marka la furo xafiisyo Wakiilnimo ah waxay sii xoojinaysaa xidhiidhkii. Waxyaabaha kale ee aanu isla garanay in la iskala kaashado waxa ka mid ah dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha, nabadgelyada oo cadowga aynu leenahay iyaga (Jabuuti), wuu ku socdaa. Waxayna Jabuuti naga ballan qaaday in wax alaale wixii ay na dheer yihiin ay gacan naga siiyaan. kulamada danbe ee aanu yeelan doonaan waxaan rajaynayaa inuu ka qabsoomo Hargeysa. sida uu dhigayaan heshiistadii hore ee labada dhinaca, si ay iyaguna (dawladda Jabuuti) u arkaan waxa aynu qabsanay iyo nabada gelyada aynu haysano. |