Marka lagu daro qaybaha kala duwan ee ciidamada, xukuumada Somaliland waxa ka mushahar qaata hawl wadeeno ay tiradoodu ku dhaw dahay 30 kun oo qof.
hawl wadeenadaas waxa uu waajibku ahaa in ay gutaan maalintii iyo habeenkii ugu yaraan 8-saacadood shaqada ay qaranka u hayaan, laakiin ma jiro qof kali ah oo la odhan karo xataa waxa uu dhadhaweeyaa saacadaahaas shaqo marka laga reebo laba qolo.
Kuwa maalintii/habeenkii qabawga iyo kulaylka u yaalla iyo kuwo wax yar dhaama oo fursad u haysta inay maalintii dhirta ka hoos galaan kulaylka.

Labadaa qolo waxa ay kala yihiin ciidanka nabadgalyada wadooyinka (Taraafikada)oo sida ay xaqiiqadu tahay u qalma in la xuso iyo in laga abaal mariyo labadaba, waxa ay ku shaqeeyaan duruuf adag oo ku adag qof kasta oo bini-aadami ahba, ka sokow in ay lacag yaraanta ,mushaharka la qabaan hawlwadeenada kale ee dawladda , waxa iyaga u dheer saddex u gaar ah oo aanay cidi la wadaagin

1. Marka hore waxay ka shaqeeyaan wadooyinka iyo jidadka ay ka gudbayaan Baabuurta iyo lugtu labaduba kuwaas oo kooban tiro ahaan oo ka mug yar xaddiga gaadiidka dulka mara. Waa laami oo maalintii cadceedu waxay u qabataa si gaar ah oo ka kulul dhulka intiisa kale sidoo kalena ma haystaan gabood ka caawin lahaa maqalka ay wadayaasha gaadiidku ugu dhago nuglaan lahaayeen amarkooda tusaale ahaan qawaaniin ku filan oo sharci oo ay ku qaadaan wadaha iyo gaadhiga uu wataba, Mootooyin ama Dhug-dhuglay ay kaga daba tagaan ka u badheedha ee ka baxsada iskadaa waxa kale oo xataa siidhigoodu ma aha mid codkiisu uu ku filan yahay shaqada uu hayo lama odhan karo dadku way u daran yihiin iyaga.

2. Shaqadoodu malaha saacado u go’an oo labada galin iyo habeenkiiba way taagan yihiin wadooyinka

3. Iyaga oo maalintii oo dhan u dhaxeeyay Cadceeda iyo Daamurka laamida, hadana waxay habeenkii gaadh ka galaan wadada madaxtooyada hor marta oo waxay badeleen tiknikadii dhawaan halkaa laga qaaday intii ka danbaysay qaraxyadii Hargeysa. Ciidanka madaxtooyada oo awal hore jiidaa ka hawl gali jiray ayaa ku nastay.
Haddii aad habeenkii goor dambe soo martana waxaad arkaysaa, askarigii aad maalinimadii (labada galinba) ku dhaaftay laamida isaga oo dhididsan oo habeenkiina halkii kuududa isaga oo dardhanaya oo kulaalaya dab yar oo uu ku huriyay, xansaska, xashiishka ka agdhaw.

Askarigaasi marka aad meesha soo marto, wuxuu u holladaa inuu ku joojiyo laakiin daalka iyo dhaxanta haysa awgood ,qaar ka sare ayuu la soo kacaa isaga oo hollashadiisa ku taageeraya siidhiga uu afka ku hayo oo qudhiisu tamar daran codkiisuna dirqi kugu soo gaadhayo.

Saddexdaa midna lalama qabo ciidanka nabadgalyada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaano. Qolada labaad ee iyaguna buuxiya saacadihii waajibka ku ahaa inay shaqeeyaan waa ciidanka qaranka qaybaha ku sugan jiidaha hore ee xuduudaha dalka kuwaas oo dabcan ka hawlgala meel ka dheer xaasaskoodii,saacadahooda shaqana ay yihiin habeenka iyo maalinta labadaba, laakiin waxay taraafikada ku dhamaan iyag oo maalintii cadceeda ka hadhgali kara dhirta ku taalla kaymaha ay joogaan.

Kuwaa waxa la mid ah oo iyaguna sidaas oo kale u shaqeeya ciidanka Ilaalada madaxtooyada sida muuqatana saddexdaa qolo ee hagar la’aanta iyo dheeraadka ku shaqeeya laba ka mid ah ayaa madaxtooyada ka shaqeeya.

Waxaa soo raaca oo iyagana aan la dhayalsan karin muhiimada hawsha ay hayaan iyo saacadaha ay shaqeeyaan labadaba ciidanka booliska ee ka hawlgala saldhigyada booliska ee magaalooyinka waaweyn, macalimiinta dugsiyada lama difirin, sidoo kale kuwa cusbitaalada lama inkirin laakiin waxaa hubaal in ay kolay saacadahooda shaqo ka yar yihiin kuwa aynu ka sheekaynayno.

Si kastaba ha ahaatee hawl wadeenada dawlada ka mushahar qaata waxa ugu saacado yar oo ugu hal abuur yar, oo ugu shaqo abuuris yar, oo ugu muran badan kuwa ku jira saddexda gole ee qaranka.