Omar Daarood Xassan

Shabakada Somaliland org o mudaba si aan caadi aheyn ay u caadeysatey in ay burbuuriso xisbiga qaran ee kulmiye taaso inta badan ku tilmaanta xisbiga qaran, Shabakadani ma aha mid u siman bushada JSL waxa kaliya ee ay qorta inta badan maqaaladda lagu taageero Muj. Siilaanayo, taasi, waxan  ku cadeynayaa mudadii hore ee aan sida adka u taageersana muj. Siilaanayo oo aan u arkaya xiligaasi inuu yahay hogaamiye daacad ah wixii maqaalo aha ee aan u soo diro shabakadani si qurxubadan bey u soo daabici jiree waanay igu soo hanbalyeyn jireen.Sidaa maantana ka muuqata waxay intabadan maacamil la leeyihiin shakhsiyaada yar ee taageera mujka Siilanayo.



, Markii u bilaabay Dr. Axmed Xussein Ciise ololihiisi siyaasadeed ee u ku doonayay inuu waxkaga badalo hogaanka qariban ee kulmiye ee aan u arkey  inuu aqoonyahanka maanta xisbiga badbaadin kara ee aan taageerada u muujiyay inuu yahay dr. Axmed, waxay bilaabeen in ay qoraaladeyda aan kaga hadalayo inuu xisbigu u baahan yahay aqoonyahay isbadal doon aha oo waliba maanta dhibaatada inaga saari kara inuu yahay Dr. Axmed ayey bilaaben in joojiyaan daabacad qoraaladeyda iyo inta ila afkaaraba.



Runtii la yaabi maayo Maxamed Abdi Diin oo aanan aqoon iyo arag toona u la heyn,  qoraal u ku soo qoray shabakada naxliga badan ee somaliland org ee aan dadka u sineyn wuxu ku sheegay qoraalkiisa inuu Cumar Daarood ahaan jiray UBUD ee goormuun noqday Kulmiye, Runtii waa iska caadi hadalada noocaasah in ay ku hadaaqan guulwadayaashu Siilaanayo marka la yidhaahdo muj. Siilaanayo maanta inaga iib galimaayo ee cadhuuftiisa diba ah u liqo.



Waxakaloon bulshada waxa aakhrida ee shabakadaha iyo warbaahinta la socota u diyanayaa jawaabta ah  bal labadeen magaca ee kala ah Maxamed Cabdi Diini iyo Cumar Daarood Xassan bal keyga bulshadu u taaqaano inuu yahay kulmiye iyo inkale bulshadan inoo markhaati furi, laakin waxan u maleynayaa Maxamedow inaad adigu tahey kuwa reernimada ku taageersan kulmiye ee aan mabda laheyn, shabakadan soomaliland org ad ku difaaceysu uun reernimo sida ay qoraalkaaga boga hore ugu soo daabacen waxa umaleynaya sida ay qoraalka u tixgaliyeen in ad ka mid tahey dadka ay soo dhaweyaan. Runtiina Intaasan filayaa in ad iga mudantahey inaan ku idhaahdo.



Waxa dhamaan aakhristayaasha shabakadaha ee bulshada JSL in ay shabakadani aflagaado iyo been abuur taxan ah inoogu balan qaaday in ay inoo soo gudbiso oo islamarkaana joogto inooga dhigto warbixin iyo arimo sir ah oo ku saabsan Dr. Axmed Xussein Issa iyo Boqor Burmadow iyo xisbiga UDUB, waa sheeko taxano ah oo ay inoogu balan qaadeen in ay soo gudbin doonan ilahaddana wax sheekadaasi ku saabsan oo ay soo qoreena ma jirto ama ay soo daabaceen.,



* ** Waxan leeyahay beenal iyo shabakadii been ku maaweelisa bushada hore uma socoto islamarkaan ma tisqaado, bushaduna wey barata waaney ka ilbaaxda.



Waxakaloo aan runtii doonayaa bal inaan dadka u iftiimiyo sababaha dhabtaha ee loola tartamiyi waayay muj. siilaanayo doorashadii hore ee shirweynihii labad ee xisbiga kulmiye ee lagu soo doortey gudoomiye Siilaanayo oo u saaxibkay Diini i weydiiayay su'aasha odheynsa maxa loola tartami waayay xilligii shirweynihii labda ee kulmiye muj. Siilaanayo haddii u Dr. Axmed wax isla heyo ,saaxibka Diini, sida aamansanahey iyo sida ay wax u dhaceenba maaha mid bulshada JSL ka qarsoon.



Waxan ku micneyn karaa doorashadii xisbiga kulmiye ee sanadka horaantiisi dhacday ee lagu soo doortey gudoomiyaha muj. Siilaanayo mid la mid ah doorshadii President Mugabi lagu soo doortey oo kale maadaama aaney cidiba isla sharaxin, waxa Mugabi la sharaxna siyaasi caan ah oo runtii taageero badan heysta oo markii horena si fiican uga badiyay, markii u arkey Mugabi inuu marlabad u ka badinayo ayuu bilaabay xeelado kale oo diktaatooriyada u gaar aha taaso ah inuu lacag badan isticmaalo, inuu hanjabaad iyo xadhiga miciinsado, iyo uun madaxda xisbiga mucariidka ah xakameyo oo u isticmaalo awoodii madaxweynenimada ee u ku fadhiyay, markaaso go'aansaday musharaxii mucaaridku inuu cadhuuftiisa dib u liqo markuu arkey halka ay xaaladu mareys. Ninkaasto qali lihin wuu garanayaa marka ay timaado cadaalo daro inuu cadhuuftiisa dib u liqo, hamigiisana dib ula laabto.



Haddaba xaaladahaasi ka dhacay doorashadii Mugabi mid la mid ah ayaa xisbiga kulmiye ka dhacday dhexdiisa xilligaasi shirweynihii kulmiye labad socday taasan keentey inuu cadhuuftiisa dib u ligo Dr. Axmed Hussein Ciise iyo siyaasiyin badan oo kale ba, Bal aan in yar oo kaliy ku iftiimiyo sababaha keenay in dib loo soo doorto muj. Siilaanayo, xilligaasi wuxu bilaabay odaygu waa Siilaanaye inuu labadii reer ee xisbig ugu miisan weyna lagalo kontraaga odhanaya maanta beel heblaay igu taageera gudoomiyaha idinkuna qaata gudoomiyo kuxignka ninkii ad jeceshiin beesha ka soo xula, maaha sheeko qarsoon inuu dhacay heeshiisi noocaasihi xilligii doorashada xisbiga kulmiye ee shirweynihii labad taasana geentey inuu dr. Axmed Hussein qawaday ama ka biyo diido siyaasada noocaasi ah ee ay labada beelood guriga madoow ku soo qeybsadeen hogaankii sare ee xisbiga kulmiye.



Waxakaloo u sababaheyd oo u gudoomiyuhu isticmaaley ila maanta u isticmaalaya barnaamjiyo hore lagu yiqiin oo aha qeyb oo xukun iyo lacago badan oo ay taageerayaashiisu u hureen kuna kala jabinayaan xisbiga kulmiye si u odaygu mar labad u soo baxo.



Waxakaloo maantana aakhristow inagu soo fool leh doorashadii musharaxa madaxweynenimada ee xisbiga kulmiye soomalidu waxey tidhaahd meyd kee baa u danbeyay iyo ka la sii sido,



Waxakaloo maantan inoo muuqda in ay arinkii hore inoo soo maray oo kale dhici doono oo la waayi doono cid jagadaasi isu soo taagta taaso sida aan aaminsanahey ceeb iyo fadeex ku aha xisbiga iyo gudoomiyahaba in laba jeer la waayo musharax la soo tartama muj. Siilaanay, taaso dad badan isweydiin doonaan waa maxay sababta keentey in la waayo cid isla sharaxda ama la tartanta Muj Siilaanyo

taasan cadeynaysa inuu siilaanayo yahay Mugabi oo kale, islamarkaan isticmaalayan dhacdooyinkii Mugabi oo kala.



Waxan aad uga xumahey shirka beelaha H/J. ee aha shir dhaqmeedka ee u muj. Siilaanayo iyo shabakada soomaliland orgba ay fashiliyeen waliba si qaldan ay warbaahinta ugu warameen, Bal aakhristow u fiirso reyada u muj. siilaanayo kaga dhawaaqay bbcdu mar ay wareysanay oo u ka waramaya shirkii Garadag ee beelaha H/J uga socday.



1. Wuxu cadeyay in ay beeshu shirku leedayay Garadaga kaga tashanayso dagaamadeeda iyo aayahood iyo dabcan siyaasada cidii ay hogaanka u dhiiban la heyne bal hadalka u fiirso,



2. Waxakaloo u sheegay in la dhexdhexaadiyay Saleebaan Gaal oo ah gudoomiyaha guurtida JSL. wuxu sheegay in la dhameyay wixi xurguf aheyd ee dhex miranaya isaga iyo Saleeban, haddaba aakhristoow shirkaasi ma ah mid ay siyaasadii kamaqantahey maadaama ay Siilaanayo iyo Saleeban ku heshiiyen xabadkan isku saareen shiraasi Garadag.?



Sida aan aaminsanahey Saleeban iyo Siilaanayo waxa kaliya ee dhex yaaleya ee colaadoodu aheyd siyaasad laakin mey jirin xaalad kala ama dhibaatooyin kale oo lagu dhex dhexaadin karo Saleeban iyo Silaanayo.



Sida aan aaminsanaheyn ma jirto colaad shakhsi oo ka dhexeysa Muj. Siilaanayo iyo Saleeban, manaan maqal colaad iyo shaqaaqo ka dhexeysa labada arda ee ay ka soo jeedan labada mas'uul.



Waxan haddaba leeyahay muj. Siilaanayo iyo shabakada u guulweydeysaba ee somaliland org waad fashiliseen shirkii Garadag ee dhaqanka iyo ayaaha H/J kaga tashanaysa oo waxad u sheegteen warbaahinta ee ad tidhaahdeen baa inoogu filan wixi shirku ahaa runtiina Boqor Cisman iyo Siilaanayo ma garanayo sababta ay beeshu u leedahay Boqor Cismanba waxa fashiliyay ee ay Siilanayan u soo qaadi la yihiin.



Maanta muj. Siilaanayo waxay taageerayaa badani u arkaan nin la so tashaday beeshiisi oo sidaasi kursi ku raba taasin ceeb iyo fadeexad bey ku tahey gudahaan xisbiga kulmiye gaarahan waxay fadeexda ku tahey gudoomiyaha kulmiye o markaasto ay doorsho soo dhawaataba beelo iyo qabaail shirinaya una heysta in ay sidaasi ugu badinayso.



Waxan haddaba ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga oo aan leyahay golaha dhex ee nasiiba u helay in codeyaanow ka fiirsada hogaanka iyo musharax ad codkiina siinaysan, ma yahay mid bushada JSL u cuntami kara, ma yahay mid inaga iib axay, ma yahay mid kalsoonida shacabka han kara, ma yahay mid ka saliimah eedeymaha iyo wixi dhibaato la soo maray, iyo iwm, haddii aanu aheyn nin shuruudahaasi ku sifooba codkiinu wuxu noqdoona biyo coldhaashey iyo cod khasaarey.



Waxakaloon idinkula talin lahaa in ad isweydiisan haddii la waayo musharaxkale oo la tartama, oo ad tidhaahda waa maxay sababta loo waayay musharax kale? Haddii kale waxad noqoneysan taageerayaashi President Mugabi oo kale ee codkooda sida qaldan ee indho la'aanta ugu shubay madaxweyne diktaartoor ah ee Mugabi.

Omar Daarood Xassan
Norway