| Tajamuca Culumaa置diinka Soomaalieed iyo Xarakada islaamiga ee Al islaax ayaa soo saaray baaqyo wadajir ah oo lagu dalbanayo in dagaal danben uusan ka dhicin Muqdisho kadib warsaxaafadeed ay maanta soo saareen. Warsaxaafadeedyadani ay sida kala gooni goonida ah u soo saareen tajamuca Culumaa置diinka Soomaaliya iyo Xarakada islaamiga ee Al islaax ayaa waxaa ay ku baaqayeen in uusan dagaalo danbe ka dhicin magaalada Muqdisho mar hadii ay ka bexeen ciidamadii Ethiopia ee mudada labada sano ah ku sugnaa. Warsaxaafadeedka ay soo saareen tajamuca Culumaa置diinka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku baaqeen in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan dedaal waliba oo dib u heshiisiineed taasi oo looga miro dhalinayo arinta murugsan ee dalka Soomaaliya,waxaa ay sidoo kale xoogaga muqaawamada ugu baaqeen in aaneey sabab u noqon dhibaato danbe oo shacabka la soo derista hadiiba ay ciidamadii Ethiopian-ka ka bexeen xaafadahooda. Gudoomiyaha tajamuca Culumaa置diinka Soomaaliyeed sheikh C/raxmaan Max弾d Axmed ayaa waxaa u xoogaga muqawamada ugu digay in uu dhoco qilaaf dhexdooda ah isla markana sabababa dagaal danbe. Dhanka kale war saxaafadeed ay soo saareen Xarakada islaamiga ee Al islaax ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay soo dhaweeynayaan ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ka bixidii caasimada ay ka bexeen,waxana ay sidoo kale xarakadu ku baaqaday in wixii qilaaf iyo isfaham dari ah oo dhexdeeda ah lagu xaliyo wada hadal. Xarakada islaamiga ee Al islaax ayaa waxaa ay si gaar ah xoogaga muqaawamada ugu soo jeedineeysaa in ay iskaashadaan sidii dalka Xasilooni iyo kala danbeeyn loogu soo dabaali lahaa iyagoo garwaaqsanaya in aysan jirin koox kaligeed gooni wax u qaban karta. Nuqulo ka mid ah Warsaafadeedyadani ay soo saarreen tajamuca Culumaa置diinka Soomaaliya iyo Xarakada islaamiga ee Al islaax ee soo gaaray xafiiska war qabadka Shabelle ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha xarkada Islaax Shiikh Cusmaan Ibraahin Axmed iyo C/raxmaan Max弾d Axmed oo ah Gudoomiyaha tajamuca Culumaa置diinka Soomaaliyeed. |