RIYAALOW DADKII YAA KU AAMINI SHABEEL DAALLINAA TAHAYE




Aan ku bilaabo magaca ilaahay.Tan iyo maalintii Shir beeleedka lagu magacaabay Mudane Dahir Riyaale inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka dalkan Somaliland iyo maalinkii loo doortay madaxweynaha waxa laga joogaa dhawr iyo toban sanno. Qoraalkan waxan ku eegi doonaa dib-u-dhaca iyo horumarka mudadaas inoo qabsoomay.

Horraantii, shacabka Somaliland waxay u riyaaqsanaayeen inay heli doonaan hogaan ilawsiiyaa dhibtii,burburkii,xasuuqii ay ka soo mareen taliskii kelitaliyaha ahaa,tan darteed wax ahmiyad ah may siinin miisaanka hogaanka iyo tayada ay dawladu yeelan doonto. Shacabka Somaliland waxay u jeesteen dhismaha hantidoodii dhulka la dhigay,guryahii, dhismayaashii ganacsiga iyo dugsiyadii caruurta. Taa waxa barbar socday
horumarinta beeraha,warshadaha,dib u dejinta dadkii ka baro kacay dalka iyo kor u qaadida ganacsiga xoolaha.

Shacabka Somaliland muddadaa ay ku hawlanaayeen dib u dhiska aasaaska noloshooda waxay filayeen inay saddexda waaxood ee qarankuna hawlaha loo igmaday fulintooda culays saaraan, lana jaan-qaadaan horumarka ka socda dhinaca shacabka Somaliland. Waxa kale oo la filaayay xisbiyada mucaaridka ah ee qarankuna inay toosin iyo tusaalaynba la daba joogaan hadba waaxda baalmarta habsocodka demuqraadiyada iyo horumarka ay shacabku ka sugayeen.

Guud ahaan hadaan dul maro waaxda fulinta ee uu hogaamiyo Madaxweynahu Mudane Dahir Riyaale waxay noqotay mid u muruxsatay awooda dalka oo gacanta u gasha gacan keli ah. Waa marka ugu horaysee waaxdani waa mid aad u tiro badan, dhaqaalaha ku baxaana ka badanyahay ta ku baxda 3da wasaaradood oo ah kuway ku haboonayd in la kobciyo,waa wasaarada caafimaadka,wasaarada waxbarashada iyo wasaarada beeraha. Waxa kale oo iyaduna jirta dhaqaalaha dalka qaybo ka  mid ahi inay toos ugu dhacdo madaxtooyada sida dhaqaalaha ka soo baxa dekada Berbera marka laga reebo 25% loo reebo Berbera,ta ka soo baxda benzin-ta,ta ka soo baxda maraakiibta kaluumaysiga ee sharci darrada ku xaalufiya xeebaha dalka, casuuraha laga qaado sharkadaha macdanta baadha.

Dhibaatooyinka buuxa ee Riyaale dalkan ka curiyay way tiro beeleen balse hadaan dhawr ka soo qaato waxa ka mid ah xusbiga UDUB  ee uu gudoomiyaha ka ahaa maanta meel uu ku suganyahay lama hayo,waxa ka sii iftiimaya inta 3da waaxood ee qaranka ku jirta. Waxuu xoog saaray UDUB marnaba inaanu shir qabsan tan iyo inta xeelad kale u helaayo,waakaa UDUB maanta ku jira kala yaaca. Ta kale dalka waxuu dib ugu celiyay habkii beelaha oo waakaa beel kasta gobolka u magacaabay.
Hadana xaal abuurka ku jira ee iska hor keenka beelaha curiyay.

Dhinaca kale marka shacabka Somaliland cabashooyinkooda nolosha ay ku muujiyaan mudaharaadyo nabadoonba waa kaa u adeegsanaya ciidankii qaranka ee dhiigga dhulka ku daadinaya, waa kaa muwaadinkii juuq yidhaaba xabsiga u taxaabaya iyadoon loo marin sharci, waa taa siyaasiyiintii iyo suxufiyiintaba la cabudhinaayo.

Xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka waa kaa ku tilmaamaya kuwo wax duminaya,cidii maamul-xumadiisa ka hadashana ku tilmaamaya inay yihiin cadawga Somaliland. Bal eega maamul-xumada uu ka wado xuduudada dalka oo dhan. Dhibaatada ka taagan ganacsiga xoolaha oo uu gaadhsiiyay heer isaga mooyee cid kalaba jirin,hadba siduu  isagu doono uunna lagu dhaqmo.

Jidkan uu hayo Riyaale waa kii kelitaliyaha,dalkana waxuu ku wadaa
waxay shacabka hore ugu soo rogmadeen,waa ka doorashooyinkii deegaanka ka soo hormariyay si uu sir iyo caad ugu shubto balse yaa soo saari doona UDUB-na waa kaa tirtiraye.Intaas waxa u dheer ballamaha uu qaado madaxweynahu intooda badan waxba kama fulaan oo baduu ku daraa.

Maanta muddada dheer ee Riyaale marna ahaa madaxweyne-ku- xigeen marna uu yahay madaxweyne waxuu cadaystay inuu sharciga iyo distoorkaba ku tunto.Waa kii sharci darrada muddada ugu kordhiyay qaybta Guurtida ee waaxda baarlamanka,waa tan isagana sharci darrada muddada loogu kordhiyay,dalkii waxuu ka dhigay meel aan distoor iyo sharci toona ka jirin. Xagee aduunka lagu arkay madaxweyne dadweyne doortay oo waax kale muddada u kordhiso! Hadana doorshadii deegaanka laga hor mariyo tii madaxweynaha,distoorkii miyaa layska laalaabay,mise Riyaale ayaa tunka ku sita oo markuu isagu doono ayuun buu dhulka soo dhigtaa.

Waxan ku soo afjarayaa Riyaalow dadkii yaa ku aamini shabeel daallinaa
tahaye.

Somaliland horumar iyo midnimo.

Hussein Badmah
hargeysawi2001@yahoo.de hargeysawi2001@yahoo.de hargeysawi2001@yahoo.deRIYAALOW DADKII YAA KU AAMINI SHABEEL DAALLINAA TAHAYE