R/wasaarihii Hore ee Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somalia Prof Cali Maxamed Geedi

ayaa maanta waxa uu Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in uu u taagan tartanka loogu jiro xilka Madaxweynaha Wadanka Somalia, ka dib markii maanta uu qada sharaf u sameeyey Xildhibaanada, iyo Dib lomaasiyiinta Caalamka, Siyaasiyiin iyo Somalida ku nool wadanka kenya.

Xafladan oo si weyn uga muuqatay in waqti la galiyey abaabulkeeda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday Dowladda Federalka, Beesha Caalamka, siyaasiyiin, iyo madax kale oo aad u fara badan, iyada oo ugu horeyntii halkaasi lagu soo bandhigay Taariikh nololeedka Prof Geedi, waxaana derbiyada goobta ay xaflada ka dhaceysay lagu hardhay sawiro kala duwan oo isgu jira Sawirka Prof geedi iyo Calanka Somalia waxaana muuqaalka si weyn u sii qurxiyey Haween iyo caruur si nidaamsan goobta loo keenay kuwaas oo marba ku luqeynayey heeso wadani ah oo si weyn ay ula dhaceen ka qeybgalayaashii Xaflada maanta.

Inkastoo aanan goobta laga jeedin khudbado fara badan hase yeeshee waxaa la dhageystay Khudbadaha Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa, iyo Musharax Cali Geedi, waxaana ugu horeyn hadlay Prof Dalxa oo si weyn u soo dhaweeyey Musharaxnimada uu ku dhawaaqay Mudane Cali Maxamed Geedi , isaga oo ku tilmaamay halyeey wadani ah si weyna uu ugu kalsoon yahay hadii la doorto in uu wax badan ka qaban karo xaalada wadanka soomaalia ay ku sugan tahay, isaga oo mararka qaar soo qaadanayo sareeebo iyo xikmado sii dhiiri galineysay Musharaxa.

Prof Dalxa waxa uu cadeeyey Cali Maxamed Geedi in uu si weyn u yaqaano nidaamka dowliga ah iyo shruucda dowladda federalka ee somalia,uuna aaminsan yahay maanta in aysan u muuqan nin kaga mudan xilkaasi in uu qabto , isaga oo ku celceliyey hambalyada Musharaxnimo , waxaana uu ugu dambeyntii uu tilmaamay somalia maanta in ay u baahan tahay halyeey badbaadin karo si loo samata bixiyo Umada Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku dhibaateysan.

Munaasabadii maanta oo lagu soo bandhigay suugaan kala duwan ayaa waxaa ka muuqday wajiyo aan in mudo ah is arkin kuwaas oo siyaasada iyo xaaladaha wadanka ku kala tagay hase yeeshee waxaa maanta jawiga xaflada laga dheehanayey in si ay ka muuqato dimoqraadiyad iyo wadan jaceyl in looga soo qeybgalay maadaama musharaxiin horay isu sharaxay ay goobta soo xaadireen.

Musharaxa Madaxweynaha Somalia ahaana R/wasaarihii hore ee Dalka Somalia xildhibaan Prof cali Maxamed Geedi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu jeediyey khudbad kooban oo uu ku soo bandhigay musahraxnimadiisa, waxqabadka hadii la doorto, siyaasada gudaha iyo dibada iyo rajadiisa, waxaana uu ugu horeyn ka qeybgalayaashii xafladaasi ka codsaday in Faataxada loo aqriyo Dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee naftooda qaaliga ah ku waayey dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay sida xaqdarada ahna loo dilay in illaah ku abaalmariyo janadiisa fardwoso.

Intaasi ka dib ayuu waxa uu cadeeyey in uu yahay Musharax Madaxweyne kuna kalsoon in uu xilkaasi u guto si ku qeexan sharuucda dowladda federalka ah ee Somalia waxa uuna tilmaamay somalia maanta in ay u baahan tahay dowlad casri ah oo ku saleysan dhaqankeena suuban,, taas oo ah barbaarinta iyo taaba galinta nabada iyo dib u hishiinta, daryeelka aadanimo soo kabasha dhaqaale , dib u dhis iyo horumar intaba .waxaana aragtidaasi looga gudbi karaa buu yiri Prof Geedi in Umada soomaaliyeed ay sii ahaato bulsho sabool ah, loona baxo bulsho mideysan oo hadaf leh.

Siyaasada Arimaha gudaha waxa uu sheegay in uuu xooga saari doono Nabada iyo dib u hishiisiinta, fulinta adeegyada bulsho ee lagama maarmaanka ah sida waxbarashada, Caafimaadka,, helista biyo nadiif ah, daryeelka hooyada iyo dhalaanka iyo naafada, dib u dejinta dadkii barakacay, waxa uuna intaasi raaciyey in loo sinaan doono kheyraadka wadankeena Somalia .

Prof Cali Maxamed Geedi mar uu ka hadlayey kobdhinta dhaqaalaha wadanka oo ku saleysan suuqyada xorta ah waxa uu shegay in la kordhin doono wax soo saarka wadanka, sida beeraha, xoolaha macaadinta , kheyraadka baddaShidaalka, waxaan aaminsanahay Wadankeena in uusan sabool aheyn balse dadkiisa uu yar yahay, ayuu yiri Prof Geedi oo intaasi raaciyey in dowladiisa ay xooga saari doonto lamaaneynta lahaanshiyaha dowliga ah iyo tan gaar ahaaneed, adeeygyada Isgaarsiinta, bankiyada, diyuuradaha, iyo maraakiibta, horumarinta dhismooyinka sida dugsiyada, cisibtaalada, garoomada iyo dakadaha iyo wadooyinka.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in uu xooga saari doono taaba galinta dowlad wanaaga dhisida hay'adaha qaranka, sinaanta dhidig laboodka , cadaalada, iyo xoriyada hadalka, waxaa kale oo aan rabaa in aan wadanka ku hogaaminyo nidaamka xisbiyada si loo taaba galiyo in wadankeena ay ka dhacaan doorashooyin xor ah ayuu yiri isaga oo hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay sameynta suuqa furan ee xorta ah iyo canshuur dhaaf, waxa uuna intaasi raaciyey Dakadaheena in ay noqonayaan kuwo u adeega wadamada gobalka ee aan laheyn dakadaha.

Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu si weyn ugu dheeraday siyaasada Arimaha gudaha iyo tan dibada, waxa uuna tan dibada sheegay in uu adkeyn doono iskaashiga somalia iyo Dowlada Aduunka, nabad ku wada noolaashaha dowlada Deriska , waxa uuna arin muhiim ah ku tilmaamay iskaashi mideysan in lala sameysto Dowlada danaha aan wadaag.

ugu dambeyntii Musharaxa Madaxweynaha Prof Cali maxamed Geedi waxa uu beesha baalamka ugu baaqay in ay daacad ka noqdaan kaalmeynta iyo wax u qabashada umada soomaaliyeed," anaga kaalmo ayaan rabnaa ee dhibaato kama rabno caalamka ayuu yiri" Prof Geedi oo Umada soomaaliyeedna ugu baaqay in ay is cafiyaan gacmahana is qabasadaan una midoobaan sidii ay dalkooda u dhisi lahaayeen nabadana uga shaqeyn lahaayeen.

Xafladan oo aan maanta loo kala harin ayaa waxaa ka qeybgalayaasha intii ay socotay qadada mada daalinayey Fanaaniin Soomaaliyeed, kuwaas oo soo bandhigay heeso wadani ah oo qiiro galisay marti sharafta, waxaana sidoo kale qadadii oo socoto martida mid mid u gacan qaaday Prof Geedi oo qof kasta fadhigiisa ugu yimid isaga oo u muujinayey sida uu ugu farasaxsan yahay imaansha Munaasabadan.




                                           
HOME