Diiwaangelinta Ka Socota Boorama Iyo Burco, Komishanka Oo Ku Sugan Iyo Wararka La Yaabka Leh Ee Laga Keenay Xalay






Boorama January 16, 2009 (saxannews)- Hawshii diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, ayaa Gobolka Awdal dib uga bilaabantay 15-kii maalmood ee dheeraadka ahaa, laguna dhamaystirayay hawsha diiwaangelinta ayay cabasho iyo qaladaad xoog lihi ka soo ifbaxeen, waxaanay sheegeen goob joogayaasha axsaabta qaranka iyo maxkamadu in dibada looga saaray goobaha diiwaangelinta ee magaalada Boorama ee ay ka hawlgalyeen.

Warkan oo aanu ka soo xiganay Telefishanka Somaliland Space Chanal ayaa sheegay in dhamaan muraaqibiintii ka hawlgalaysay goobta 95-aad ay la kulmeen cago juglayn iyo handadaad ka soo gaadhay dadka deegaankaa degan.

Waxa kale oo ay sheegeen in goobta laga saaray inankii muraaqibka u ahaa xisbiga talada haya ee UDUB.

mid ka mid ah muraaqibiinta ayaa sheegay in markii ay bilaabantay hawsha diiwaangelintu loo keenay ciyaal aad u yaryar, kuwaas oo loo sheegay in ay is diiwaangeliyaan, isaga oo arrintaas faahfaahin ka bixinayan waxa uu yidhi “Waxaan ka tirsanahay kooxda 95-aad ee ka hawl gelayay magaalada Boorama, Meeshan waxa ka dhacday arrin aad iyo aad u fool xun waxaana naloogu hanjabay in dharka iyo wixii aanu sidano nalaga qaadi doono, meesha waa lagu dagaalamay oo dad badan ayaa ku dagaalamay, taliyihii qaybta booliska ee gobolka ayaa nagala wareegay goobtii, waxaanay noo sheegeen oo ay nagu yidhaahdeen waa in aad shan daqiiqo gudahood kaga baxdaan Boorama”

Waxa kale oo isna halkaasi cabasho ba’an ka soo jeediyay mid ka mid ah muraaqibiinta ay soo dirtay maxakamadu waxaanu sheegay in loogu hanjabay in ay ka baxaan magaalada isaga oo arrintaas sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi “Aniga oo uu magcaygu yahay Maxamed Maxamuud oo kana tirsan kooxda 95-aad ee ka hawlagalaysay magaalada Boorama, kana socday Maxakamada, waxaanu ka shaqaynaynay goob la yidhaahdo Sheekh Aweys oo ka tirsan Boorama, run ahaantii waxa aanu meesha kula kulanay carqalad aad u weyn.

Waxa nalagu yidhi wax aanaan hore ugu shaqayn oo aanaan hore u arag, waxa nalagu yidhi waxa aad diiwaangelisaan caruur ay da’doodu tahay 2 jir iyo wixii ka hooseeya ay tahay, guddoomiyahayagii kamuu hadal oo wuu ka aamusay, dabadeed waxa goobtii ka dhacay buuq iyo sawaxan waxaana arrintii soo dhex galay taliyaha qaybta booliska oo halkaasi xoog kaga saaray inankii ka socday xisbiga udub.”


guddoomiyaha goobta 95-aad ee diiwaangelintu ka socoto ayaa telefishanka SLSC uga waramay carqaladihii la soo gudboonaaday labadii maalmood ee ugu danbeeyay ee ay hawsha diiwaangelintu ka socotay magaalada Boorama waxaanu sheegay in intii ay socotay hawsha diiwaangelintu loo keenay ciyaal aad uga yaryar da’dii la diiwaangelinayay waxaanu sheegay in markii ay ka diideen laga saaray hawshii diiwaangelinta.

Waxa kale oo uu telefishanku xog waraysi la yeeshay mid ka mid ah hooyooyinka iska diiwaangelinayay goobta 95-aad ee ay hawshu ka socotay inkasta oo amar lagu siiyay in aanay waraysi bixinin waxaanay tidhi “Waxa aan iska diiwaaangeliyay halkan aniga iyo 5-caruur ah oo aan dhalay.”

Dhinaca kale 15-ka maalmood ee lagu dhamaystirayo hawsha diiwaangelinta ee gobolada somaliland oo iyana salaasadii si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Hargeysa ayaan iyana si rasmi ah looga dareensanayn goobaha hawsha diiwaangelinta ee ku yaala caasimada Hargeysa

                                     
HOME