HOME
Berbera daawo sawirada: 330 qoys oo danyar ah oo ku kala dhaqan deegaanada Geelookor, Laalays, Biyaley, Tuulodhabiijo, iyo Biyoguure ayey cuntooyin kala duwan gaadhsiisay hay'ada Muslim Aid Somaliland raashinkaas oo isugu jiray Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Saliid. Barnaamijkaasi oo ay fulisay hay'adani waxa hadal kooban halkaasi ka jeediyey Agaasimaha Barnaamijyada ee Hay'ada Muslim Aid Somaliland Sadiiq Maxamuud Gahayr oo ka waramay sababahay kalifay cuno qeybintan waxaanu yidhi

"Warbixin ay dhawaan hay'adi soo saartay ayaa lagu sheegay heerka cuno yari ee dalka si loo gaadho qoysas danyar ah oo cuntooyin u baahan ayaanu gaadhnay wejigii kowaad deegaanadanan ay cuno qeybinta ka wadno oo aanu siin doono 330 qoys oo danyar ah kuna kala nool geedlookor, laalays, bayaley, tuulo dhabiijo, iyo biyoguure waxaanan rajaynayaa inaan wejiyada danbe gaadhno goobaha kale ee baahido taalo"

Agaasimaha Barnaamijyada ee Muslim Aid hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waa barnaamij hay'ada fuliso wejigii koowad weeye wejiyada kale waxa laga yaabaa inaan gobolka Saaxil wada gaadhno insha allah, Hay'aduna waa mid islaami ah"

Isuduwaha Wasaarada Diinta G/saaxil Sheekh Saleebaan Siciid oo isna raashin qeybtin ku wehelinayey masuuliyiinta Muslim Aid ayaa yidhi "Waxaan soo dhaweynaynaa hay'ada muslim aid waan uga mahadnaqayaa deeqdan dadka tabaalaysan la gaadhsiiyey insha allaah waxan ka rajaynayaa inay soo kordhiyaan deeqdan oo ay danyartu u baahanyihiin"

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xildhiban Cabdi Jaamac Ducaale Cabdi Musbaar waxaanu yidhi "Waxaan aad ugu mahadnaqay hay;ada muslim aid ee deeqdan deegaanadan soo gaadhsiisay waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin dadkuna waa u baahanyahay"

Isku soo wada duub oo Waxa barnaamijkaasi ay fulisay hay'adani ku diirsaday dadyowgii baahnaa ee deegaanadaasi ku noolaa ee ay cunto qeybintani gaadhay inkastoo aan dadka wax la wada gaadhsiin Karin hadana cuno qeybinta ayaa u muhiim ahayd madaama ay raashinkani aha kii suuqa lagu iibinayey isla markaana daruuriga ahaa ee ay dadku karsanayeen shirkadaha maxaliga ahina keenaynaa balse muu ahayn raashinada adag sida garowga iyo qamadiga oo aanay oo aan iyagu ahayn cuntooyinka koowaad ee dadkeena balse Daqiiqda bariiska iyo sonkor iyo saliidu waa cuntooyinka dalka loogu jecelyahay ee la isticmaalo.