16 Jan 2009 Saxansaxo

DHALINYARADA REER S-LAND EE WAX KU BARATA
DALKA DIBADIISA OO MID KA MIDA LAGU WARAYSATAY BOGA INTERNETKA
SAXANSAXO.


Ardayga oo ku nool wadanka Sweden oo ka mid ah kuwa aad iyo aad u taageersan
jiritaanka iyo midnimada soomaaliland ayaa qolka shabakada saxansaxo ku waraysanay waxaanu hadalkiisii ku bilaabay:

Anigoo ka mida dhalinyarada wax ku barata wadankani, ujeedada kaliyee aan leeyahay waxay
tahay inaan wax ku barto wadankani aqoonta aan ka helana aan uga faaiideeyo wadankeenii.

Waxa kaluu ka hadlay ardaygani oo magiciisa la yidhaa Subeer inuu qurbuhu leeyahay dhibaato
farobadan oo aanu dareemi karahay qofku ilaa ay waajahdo hadana alxamdulilaahi hililadaydu waa
inaan ka gaadho halkan ujeedo wax barasho kana helo waaya aragnimo aan uga faaiideeyo dalka.

Markaloo aanu Subeer ka waydiinay xaga siyaasada waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay nabadgalyadu
noqoto mid muqadis ah intaas ka dibna aynu gaadhi karno ujeedo kastoo aynu leenahay.

Subeer hadalkiisii wuxuu ku soo gabagabeeyay midnimo, waxawadaqabsi, iyo shaqsijacaylkoo la iska dhaafo.



Saxansaxo Sweden.