Badhsaabka Togdheer Oo Guul Ka Dhigtay In Aanu Soo Qabtay Macalinkii La Afduubay Dablaydiina Haynin Oo Aanu Waliba Daba Soconin Burco January 16 2009 (Saxannews)- Ciidamada Amaanka ee Gobolka togdheer ayaa shalay Gacanta ku dhigay Macalin Masri ah oo dablay hubaysani ay ku afduubeen daraad Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer . Dablaydan Macalinka afduubtay waxay galeen degaanka Buuralayda ah ee waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Burco ee la yidhahado Gunbur Xangeeyo. Lixdii Subaxnimno ee shalay ayaa Ciidamda Amaanka lagu wareejiyyay macalinkii Masriga ahaa ee ay dablaydu afduubtay oo magaciisa la yidhaahdo( Maxamed Al Khawi) oo ahaa Macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee 15May Magaalada Burco Sii deynta Macalinkan waxa dhexdhexaadin ka galay Odayaal ka tirsan degaanka kuwaas oo dablaydii ku qanciyay in ay bilaa shuruud ku sii daayaan Macalinka aakhirkina odayaasha degaanku waxay ku guulaysteen in ay ku wareejiyaan Ciimada Amaanka ee gobolka togdheer oo ay hor kacyaan Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin iyo Taliyaha ciidanka Bilayska ee gobolka Axmed Maxamed Guutaale . Gudoomiyaha Gobolka togdheer Jaamaca Biin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in falalka noocan ahi ay yihiin kuwo aan fiicnayn isla markaasna dadweynaha Reer Somaliland looga baahay yahay in ay feejignaan gaar ah u yeeshaan dadka ku kacaaya falalkaa aan ficnayn . Gudoomiyaha waxa uu duqaydii halkaasi kula dardaarmay in aanay dhici doonin in nin inta uu wax afduubo hadhawna odayaal iska soo horaysiiya oo aanay markale u dulqaadan doonin falalka noocan oo kale ah. Waxaanu sheegay dadka falkan ku kacaaya in talaabo laga qaadi doono. Maxamed Alkhaawi Macalinka la afduubay dareenkiisa iyo sida ay ula dhaqmeen Afduubayashu mudadii ay haysteen ayaa sheegay in dareenkiisu uu fican yahay soodayntisana uu ku faraxsan yahay , waxa kale oo uu sheegay in mudadii Saddexda Cisho ahayd ee ay haysteen Afdubayaashu ay si fiican ula dhaqmaayeen waxaanu sheegay in ay siin jireen cuntooyin ay ka mid yihiin Hilib iyo Caano. Si kastaba ahaatee Waa Markii ugu horaysay ee afduub noocan ahi uu ka dhaco Magaalaada Burco kaas oo dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ay aad uga xumaadeen falkan lagula kacay macalin wax baraayay ardaydooda. HOME |