Rajadii Kobcinta Xisbiyada ayaa Qalwo ku Dhacday



Shacabka Somaliland ayaa siddeed (8) sanno ka hor u guuxay
curinta habka dimuqraadiyada ee ku salaysan xisbiyada badan in lagu
hago siyaasadda dalka.Maantana waxa halis ku jira hab dhaqanka
doorashooyinka xisbiyada dhexdooda.

Waxaynu la soconaa xisbiga talada haya UDUB ilaa waqtigan inaanu
jirin shir lagu dhawaaqay si loo doorto gudoomiye iyo ku xigeen.
Taasina waxay caddayn u tahay hab-socodkii dimuqraadiyadu inuu
xisbiga dhexdiisa isu rogay habkii laga samaystay xisbiyada ee ahaa
kelitalisnimo. Waxaanay u egtahay inay lama filaan ku qaban doonaan
shir aan laysku ogayn Riyaale iyo Axmed-wadaad.

Dhinaca kale,waxa la yaab ku noqotay xubnaha iyo taageerayaasha
xisbiga Kulmiye habka loo fuliyay shirka golaha dhexe, kuna qabsoomay
magaalada Burco. Shacabka Somaliland dhamaan isha ayaa lagu hayay
shirkaa,iyadoo rajo hufan laga sugayay Kulmiye iyo Ucid kadib markii
lagu hungoobay hogaanka UDUB.

Hadaan dhuuxno qodobka hoos ku qoran waxan ka soo xigtay
dastuurka u yaala ururka Kulmiye, bal hada ila eega:


QODOBKA 18AAD


QAABKA DOORASHADA GUDOOMIYAHA AMA GUDOOMIYE XIGEENADA XISBIGA Kulmiye

Doorashada gudoomiyaha ama gudoomiye-ku-xigeenada xisbiga waxa shirweynuhu
ku ansixinayaa musharaxa hela aqlabiyad buuxda (kala badh in ka badan
tirada guud ee ergooyinka)
Hadii musharixiinta midkoodna heli waayo aqlabiyada ku xusan xubinta
hore ee qodobkan, wareega labaad waxa musharixiin u ah labada musharax
ee ugu codka badan wareega koowaad
Wareega labaad waxuu shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa ugu aqlabiyadda badan tirada ergooyinka shirka.


Xaqiiqdii qodobkan iyo habkii lagu fuliyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye
waa kaaf iyo kala dheeri. Sida goŽaanka shirka ku cad gudoomiyaha waxa
isu soo taagay Muj.Ahmed M.Siilanyo,cid kula tartantayna may jirin. Markaa
ma waxaynu odhan karnaa qodobkan sare ayuu waafaqsanyahay!
Waa lama filaan in xubin keli ah isu soo taago gudoomiye,laguna tilmaamo
in lagu doortay dimuqraadiyad! Cajiib, waa rajo la sugayay oo iyadu istirtirtay!

Dimuqraadiyaddii laga rajaynayay xisbiyadu inay isku hagaan,dalkana
lagu hago waa laga leexiyay, waxaana loo sii janjeedhaa in dib loogu
laabto habkii kelitaliska ahaa ee shacabku ku soo halaagmay.

Dimuqraadiyad laga waayay doorashooyinka saddexda xisbi qaran
dhexdooda,shacabka Somaliland ma waxay filayaan inay hab-socodka
doorashada qaranka ee inagu soo fool lehi u dhici doonto xalaal.


Maanta waxa muuqata inay rajadii kobcinta xisbiyada waxay ku sii
foorartaa inay qalwo ku dhacdo.

Hussein Badmah
hargeysawi2001@yahoo.de