Dhamaan shacabka Somaliland waxan ku baraarujinayaa inay ka feejignaadaan riwaayada
midabalay ee maamulka Riyaale beryahanba
kula dhex jiray dalka.
Marka shacabku maya yidhaa-ba, xaal-abuur kale oo olol ka baxayo ayuu Riyaale ummada ku soo dhex
tuuraa. Isaga oo weliba kursiga distoor ugu
fadhiyin oo waqtigiisii dhamaaday kuna fadhiya kordhin xeer-jajab ah.
Maanta ilmaha yar ee malcaamadda taga ayaa og kaabayaasha nolosha
ee aadamigu u baahanyahay kana mid yihiin biyaha,iftiinka,waxbarashada,raashinka,
caafimaadka iyo wadooyinka inay dawladdu ka gaabisay,waxna aanay ka qaban.
Waxaan cidna ka qarsoonayn ilaha ugu muhiimsan ee
dhaqaale abuurku inay toos u hoos tagaan madaxtooyada,sida batroolka,
kalluunka,dekkada berbera iyo macdanta.
Heeryadii uu Riyaale ku dedi jiray arrimahaa markii shacabku u adkaysan waayay ee ay dibnahooda
fureen iskuna dayeen inay baahida ku habsatay
ku muujiyaan qoraallo iyo mudaharaadyo ayuu jawaab uga dhigay adeegsi ciidanka qaranka,
kuna laayay ubaxii dalka oo harraadan.
Falalkaa uu Riyaale ku kacay dhawr jeer oo kala duwan markii lagala hadlay ayuu dhinaca kale
isu rogay,waxaanu soo jeestay isagoo midab
kale wajigiisu leeyahay,markaasuu keenay dhib tii hore lagu ilaabo,waxaanay noqotay dhoofinta
xoolaha oo muddo sannad ahba isaga u xidhnaa,
markii xajku soo dhowaadayna iyadoo dab ka
olalayo ummada ku soo dhex tuuray,si arrimahii
hore loogu ilaabo. Cirka ayay isku shareertay,
ilaa baarlamanka iyo guurtidu soo dhex galeen,
markii Riyaale iyo golahiisa wasiiradu arkeen
inay taasina weji kale yeelatay,kuna foorarto
inay danahoodii toobiyaha ka leexinayso,ayaa
hadana Riyaale is-laba rogay,waxaanu soo jeestay
isagoo wejigiisu leeyahay midab barobaro ah,
kolkaasay Riyaale ama UDUB-ba dheh isku dayeen
xaalad abuur kale,kuna tilmaameen beesha ku
shirtay bariga burco,waa qaran dumis,waxaana
ka dambeeyay siyaasiyiin doonaya inay kursiga
naga riixdaan. Waxa kale ooy ka daba tuureen,
Xirsi waa Al-Shabaab ee xabsiga ku rida,waxay
ku soo afjareen,kuna dhawaaqeen waxa jira kooxo
qaranka duminaaya,waayo baabuur korka la jaray
oo qoryo la saaray ayaanu soo qabanay,hadana
raggii watay baabuurta iyo qoryahii midna ma
hayno,laakiin baabuur ayaanu garanaynaa oo waa
Xasan Guure,waanuna ku daba jirnaa ciddii ka
danbaysay,iyagoo magacaabayana waxay ku
tilmaameen Muj.Dhegaweyne, Muj.Guure iyo
Muj.Odey Deyr. Cajiib hadba cayn haysu rogto.
Waxa la yidhi,dheriga maxaa karka ka keena,
waxan leeyahay maxaa UDUB falalkan midabalay
ka keenay. Waxay ila tahay laba waa mid uun,
kow,inaan hunguri kaga jirin kana qanceen
doorashada madaxweynaha kadib markay isku
qanciyeen dhibaatooyinka loo tirinaayo ee ka
yimi muddadii ay hogaanka dalka soo hayeen;
laba, qodobka bud-dhigga u ah UDUB ee
aaminsanyihiin in dalka lagu hago uu yahay
habka keli-taliska.
Mid saddexaad ayaan berigii hore ku dari jiray,
waxaanan aaminsanaa nimankaa hogaanka hayaa
inaanay rumaysnayn jiritaanka Somaliland ee ay
la sugayaan is-raaca Somalida balse waxan isku
qanciyay waar saw-tii ay nimanku kitaabka ilaahay
ku dhaarteen.
Waxan ku soo afjarayaa Riyaalow riwaayadan
midabalay horaa loogu daalay,hortaa jirana
horuu ugu halaagmay ee toobada ha seegin.
Hussein Badmah
hargeysawi2001@yahoo.de