Maan jeclayn inaan qoraaga caanka ah ee saaxiibkay Maxamed Bashe
is-fahmi waa ka yimaado aragtidayada ku aroorta toosinta iyo tusaalaynta
balse markaan dheehday tix uu saaxiibkay Maxamed Bashe iigu soo jawaabay
waxa iga muuqatay inuu dhankaan daaray iila kicin ee uu bann kale iila
baxay markaasuu tixda la magac baxday beegaalka nolosha bahda Somalilandpatriots.com ii soo marshay, dabeetana tixdan laga magac
baxday beerta abwaan ayaan saaxiibkay ugu war ceshay.
Maqaalkaygii hore waxaan dulucdiisa ugala jeeday saaxiibkay
maxamed bashe waxan ka filaayay mar haduu qoraa yahay inuu
qalinkiisu dalka u sinnaado,duur-xulistiisuna meel kasta oo dhibi
ka dhacdo qalinkiisa la beegsado.
Baxsane Maxamad Bashow
bariido aan bukaan qabin
barobaraalihii shaalliyo
salaan boqortooyo iga hoo
baacinta maansada
beri horaan xidhay,
birr iyo shakaal
la beegsaday.
bayaami hadaad tidhi
baaqa aan diray,
binaha hawraar,
baadadka kala duwan,
beerta abwaankii
bilqee "suugaan" u
baxshaan ahay.
bar lagu soo hirto
baydadka gabay loo
barasho tagaan ahay
BaŽda kuma bariiqdee afartaa
buugaagtii qawdhan-iyo
tarabi hidda badheedhkood dheh
Bogg kalana waa
Baafinta maxamed bashiyo
bayaan hadalkay dheh
barbaarintii hore
barashada afka
baralay carabku ka
baydho ayaa jira
baaxadda erayada
badh garashadu ka
booddo ayaa jira
baroor waa burqan haween
burhaankayga kuma taal
bidhaanna kuma arag
baandhee hadalka
badhax yaanu kaa noqon
Bilicda dhulkeeniyo
bulshada wada taal
bixiso kuma arag
balana kama wado
burburinna kama digin
barrbarrada caddaalada
badhtanka ma qabanaa
bari-iyo galbeed
baarka sinnaansho
beegida qalinkeena
baaxad ha yeesho
ballankaygu ahaa
BaŽda gabay kuma bariiqdee afartaa
buugaagtii qawdhan-iyo
tarabi hidda badheedhkood dheh
Bogg kalana waa
baafinta maxamed bashiyo
bayaan hadalkay dheh
Baxsane maxamed bashow
naxli-beerid iga dheer
beel nacaybkeed
beerkayga kuma taal
boogaha hay barin
bur jaan barintiisa ma gayo
bixiso weeye aduun
berri laga hayaamaa
boholaa cadaabtaa laga
baqayaa,
bunduqyada lala galay buuraa
barwaaqo miyaad tidhi
baarlamanka-iyo distoorka
billaawe ku go miyaad tidhi
berbera adhiilaa
baaxadiisu tubantay
bahalyow ma ka dhowrnaa
barwaaqo maw ballanaa
baallaha ma wada bogsiinaa
Baxsane maxamed bashow
badheedhkaygu waa sinnaasho.
boodh iskuma qarshee
bayaankaygu waa midnimo.
bardaale geedkii
barkimo lagu wadaagaa
Hussein Badmah
hargeysawi2001@yahoo.de