Warsaxaafadeed / Press Release: Ururka SIPAJ (Somaliland Institute for Peace and Justice) - REF: SIPAJ0409/2
Taariikh: 17/04/09
Canbaarayn xaalad abuurka iyo xadgudubyada Daahir Riyaale kawado Somaliland
Ururka Somaliland Institute for Peace and Justice (SIPAJ) waxa uu aad iyo aad uga walaacsan yahay marxaladda Somaliland maanta marayso. Waxaanu aad iyo aad uga xunnahay in maamulkii waddanka ka jirey ee loo igmaday inuu dalka iyo dadka u horseedo nabad, caddaalad iyo horumar isu bedelay xukun ku salaysan caddaalad daro, colaad abuur iyo qaran dumis, xaqii iyo xurmaddii dadka reer Somaliland-na ku tacadiyey. Markaa anagoo danaynana nabadda, caddaaladda, horumarka, masiirka iyo maslaxadda dadka iyo dalka Somaliland waxaanu si mug iyo miisaan leh (in the strongest terms possible) u canbaaraynaynaa siyaasadda faashilka ah ee Daahir Rayaale Kaahin kuna dhisan caaddaalad-daradda, xaalad abuurka, cadaawadda, cabudhinta, xadhiga sharci darada ah, jidh-dilka, xad gudubka xaquuqda muwaadiniinta, beenta iyo propaganda-da, naxliga, shirqoolada iyo isku dirka beelaha nabadda iyo walaalnimada ku wada nool.
Taliska Daahir Riyaale Kaahin waxa uu beryahan dambe bilaabay inuu waddanka ka abuuro xaalad colaadeed si uu u helo fursad uu kusii bakhti afuufo xakunkiisa jujuubka ah ee gabalkiisii dhacay. Riyaale wuxuu ka wadaa meelo badan oo ka mid ah Somaliland sida magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco olole uu doonayo inuu iskaga horkeeno dadka walaalaha ah ee degaankaas isagoo adeegsanayo caadaqaatayaal aan damiir, dadnimo iyo diin midna lahayn.
Daahir Riyaale waxa kale oo uu bilaabay inuu jeelka u taxaabo jidh-dilna ku sameeyo qofkii ka hadla maslaxadda iyo masiirka umadda Somaliland iyo naxliga iyo dira diraha uu dadka iyo dalka ka dhex wado. Daahir Riyaale iyo kooxda ay isku qadhaabtaan waxay xeerinayaan iyo waxay ka xishoonayaan midna ma jirto; dumar, caruur, ciroole iyo dhalinyaro cid la dhaafayaana ma jirto. Xataa odayaashii sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba ku lahaa ayaa inta jeelka loo taxaabo la jidh-dilayaa sida ku dhacday Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo 14/04/09 xabsiga loo taxaabay jidh-dilna lagu sameeyey. Waxaa kale oo isna jidh-dil lagu sameeyey Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Hargaysa Jiir Cali Madoobe oo isna ka hadlay xaalad abuurka iyo xiisad abuurka Daahir Riyaale iyo kooxda ay isku adeegtaan ka wadaan Somaliland. Siyaasaddan naxliga iyo nacaybka ku dhisan ee Daahir Riyaale:
waxay muujinaysaa sida uu uga aradan yahay diin, dadnimo iyo wadaninimaba;
waxay muujinaysaa sida aanu dal iyo dad midna dan uga lahayn;
waxay muujinaysaa in kursigiisu uga muhiimsan yahay daadinta dhiiga dadkii u doortay inuu u horseedo nabad iyo barwaaqo;
waxay muujinaysaa in Daahir Riyaale doonayo inuu sumcadda iyo karaamada Somaliland ku dhex leedahay bulshada caalamka baabiiyo;
waxay muujinysaa in Daahir Riyaale doonayo inuu Somaliland u horseedo burbur, baro kac iyo baaba’ aanay weligeed kasoo waaqsan;
waxay muujinaysaa in aanu madaxwayne u noqon karin dadka iyo dalka uu caynkaas ula dhaqmayo.
Taariikhda ayaa ka markhaati ah talis kasta oo ku dhisan caddaalad daro iyo cabudhin marka waqtigu kusoo kediyo inuu naf ka raadiyo inuu dadka isku dhufto oo iska hor keeno si uu maalmo xukunka usii joogo - waa qaybi oo xukun. Ta maanta Daahir Riyaale ka wado Somaliland-na waa taas. Hadaba,
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo xaalad abuurka uu ka dhex wado walaalaha Somaliland iyo cadaalad daradda uu ku hayo muwadiniinta reer Somaliland;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo xadhiga, cagojuglaynta iyo jidh-dilka uu kula kacayo muwadiniinta reer Somaliland;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo beenta iyo propaganda-da naxliga ku dhisan ee habayn iyo maalin uu kasii daynayo warbaahinta qaranka;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo adeegsiga uu adeegsanayo damiirlaawayaasha iyo caadaqaatayaasha kuwaas loosoo dhiibayo hadalo naxliyeysan si xiisad iyo colaad loo huriyo;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo adeegsiga uu adeegsanayo makasta iyo wax ma garatada fulinaya falal ka dhan ah nabadda iyo xasiloonida;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inaanu ciidamada qaranka iyo boliiska qaranka u adeegsan cabudhinta, cago-juglaynta iyo ciqaabidda umadda Somaliland;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo qaabka guracan ee u isticmaalayo hay’adaha garsoorka waddnaka;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu xabsiga si degdeg ah uga sii daayo dhamaan muwadiniinta aan waxba galabsan ee xabsiga loogu taxaabay oo keliya maxaad runta u sheegaysaan;
waxaanu ugu baaqaynaa Daahir Riyaale inuu joojiyo wax alaale iyo wixii keenaya nabad gelyo daro iyo cadaalad daro.
Waxaanu si gaara u iclaaminaynaa inuu Daahir Riyaale xabssiga degdeg uga sii daayo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Maxamed Aw Maxamuud oo isagana xabsiga Mandheero ugu xidhan si xaqdaro ah. Odayaashan sharafta iyo karaamada leh waxa waxaas loogu samaynayaa ka dib markii ay ka hadleen siyaasadda naxliga, xaalad abuurka iyo isku-dirka ku dhisan ee Daahir Riyaale Kaahin doonayo inuu iskaga hor keeno beelaha walaalaha ah waddankana u horseedo burbur, barokac iyo baaba’.
Maadaama dalka iyo dadka xil naga saaran yahay waxa lagu tacdiyayaana ay yihiin dadkayagii waxa haadaanta loo qodayaana yahay waddankayagii, waxaanu u sheegaynaa Dahir Riyaale in aanay shaqaynayn siyaasaddan naxliyeeysan ee uu maanta ku wado Jamhuuriyadda Somaliland; waxaanu u sheegaynaa Dahir Riyaale in xoriyadda, nabadda iyo caddaaladda uu ku jeesjeesayo loo soo maray halgan dheer iyo hawl badan boqol kun oo wiilna naftooda u hureen markii uu jaajuuska u ahaa taliskii Dhiigyacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre; waxaan u sheegaynaa Dahir Riyaale inaan masiirka iyo mustaqbalka umadda reer Somaliland gorgortan geli karin isaga iyo inta la qadhaabataana ayna u suura gelayn hadimada iyo haadaanta ay doonayaan inay Somaliland maanta ku ridaan.
Waxaanu halkan iyagana baaq nabad ah uga diraynaa beelaha walaalaha ah ee dhibaatadu ku dhexmartay deegaannada Gebiley iyo Dilla inay arinka nabadgelyo iyo xasilooni kusoo dabbaalaan kuna dhameeyaan wanaag iyo walaalnimo.
Ugu dambayntii, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa dhamaanba shacbiga Somaliland ee jecel nabadda, wanaagga, horumarka iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanu kaloo si gaar ah ugu mahad celinaynaa odayaasha iyo waxgaradka hadh iyo habayn u guntan ilaalinta nabadda ee af iyo addinba ku hor taagan shirqoolada Daahir Riyaale iyo caadaqaatayaashiisu soo maleegayaan ee doonayaan inay dagaal ka dhex ridaan beelaha Somaliland. Nin walba wuxuu umadda gashado abaalkeeda wuu helayaa xumaan iyo wanaang midday noqotaba taariikhduna way qori doontaa.
“No dictator, no invader, can hold an imprisoned population by force of arms forever. There is no greater power in the universe than the need for freedom. Against that power, governments and tyrants and armies cannot stand.” J. Michael Straczynski
Allaa Mahadleh, Wa-Bilaahi Tawfiiq!!!
Mohamoud Hersi H Hassan (Caruus)
Chairman
Somaliland Institute For Peace and Justice
********************************************************************************************
Somaliland Institute for Peace and Justice (SIPAJ) is non-partisan and is not affiliated with any political organisation or party. The organisation has been established to foster, cultivate, promote and further peace and justice in Somaliland, and speak out against any form of injustice, violence and human rights violations and abuses in the country. It is our fundamental belief that the only way the socio-economic and socio-political conditions of the country can be improved is through peace and justice. For more information about SIPAJ please contact the chairman of the organisation Mohamoud Hersi H Hassan (Caruus) at caruus@hotmail.co.uk.
Fikirka halkan ku qoran kama masuul aha saxansaxo press waxaa ka masuul ah magaca ku saxiixan
Fikirka halkan ku qoran kama masuul aha saxansaxo press waxaa ka masuul ah magaca ku saxiixan