CALI GURAY HALBAAN LEEYAHAY.

XISBIGA KULMIYANA XAAL QAATA AYAANU LEENAHAY

SHIRKADA MSG IS CADEE AYAANU LEENAHAY


saxansaxo,25,04,09(MAQAAL)

Anagoo ah dhalinyaro ka tirsan Taageerayaasha Degaanka waqooyiga Hargeysa Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxaanu halkan saxaafada kala duwan usoo marinaynaa Fariin Cali Guray, Xisbiga Kulmiye Iyo Shirkada Msg anagoo ku muujinayna Dareenkayaga oo u dhigan sidan.

1- ODAY CALI GURAY HALBAANU LEENAHAY

Anagoo ah Taageerayaasha ka Tirsan Deegaankaaga iyo Waliba Reerka aad kasoo jeedo sidoo kalana aanu nahay Ragii Adiga Gaarka kuu taageerayay Maantana mawaxaad naleedahay

a- Hadii aan ahay Cali Gurey Wixii hore ee aan idiin sheegayay waxay ahaayeen waxba kama jiraan?

b- Mise Ciyaartoy Naadi u Ciyaarayay ayaad Ahayd oo naadi kale Iibsaday?

c- Hadiiba ay dhacday inaad Xisbigaagii Dangaar ah dhaafsato oo aad katagtay Makala Xishoon weyday Sidii (Fagadhe ) Cayda Shaashadaha Xisbigaad 7 Sano Lasoo noolayd?
d-hadaba mudane anaku waanukula yaabanahay waxaanuna ku leenahay ilaahay ha ku soo hadeeyo dibna laguu aamini maayo oo dee 7 sano ayuunbaad na tidhi been baan idiin sheegi jiray

Xisbiga Kulmiyena Xaal Ayaanu Siinaynaa

Waxaanu siinaynaa Xisbiga Weyn ee Mucaaridka ah Ee Kulmiye Xaal anagoo ka xaal Marinayna facaa ika Oday cali Guray, Midna Ogaado Berigii Halgan SNM lagu Jiray Ragbaa Furinta intay ka yimaadaan Dib Faqashta isugu soo dhiibi jiray Soomaaliduna Horey utidhi Nin Xisbi ka Baxay Siiga Yaraa Arintu sidaas ayay u Eegtahay Waxaan kaga Baxayaa Murti hore oo Tidhi

Nin Kula Dhani
Gool uu kugu Dhaliyiyo
Iskama Dhaadid
Hadal Dhadhamraac.

Shirkada Sigaarka MSG Is Cadee Ayaanu Leenahay

Waxaanu Xogogaal unahay in Shirkadan Sigaarka Royalska Keenta ee Msg ee uu Gudoomiyaha uyahay Ninka Reer Jibouti dhalasho ahaana kasoo jeeda S/land gaar ahaan Hargeysa Maxamed Siciid Geedi in uu yahay Shirkada sida weyn ugu Ololeeysa Xisbiga Udub iyadoo lacag badan kubixisa Kusoo Biirista Udub Xisbiga kaliya ee uu dagaalka kula jiraana waa Xisbiga Kulmiye.

1-bal noo kala cadee Mihnadaadu ma ganacsibaa mise waa Siyaaysad?

2-Maxaa Arinkaagii iyo Aduunkaagaba ku dhex milay Ololaha Udub?

3-Maxaad dheertahay Ganacsatada Kale Reer S/land?

4-Ma hindiyalaynka ayaad Xisbiga Kulmiye dhaafsatay?

5-Mise waxaad Necebtahay Reerka uu kasoo Jeedo Guddmiyaha XisbigaKulmiye
ee Habarjeclo?

6-Tolbaynu nahay oo waanu kaa Naxaynaaye Maxaad ugu Tasarufaysaa maalkaaga miyaanu xalaal aad shaqaysatay ahayn?

Ugu Danbayntii Waxaanu ku leenahay Isasoo cadee

1- Ibraahim aadan Mohamed
2- Mohamed Abdulahi Omar
3- Hassan jama cali
4-guled warsame odowaa
5- suleiman xasan biixi
6- maxamed ahmed aw xasan
7- cabdinaasir yusuf warsame
8-cabdiwahaab cumar jibriil
9-sakeriye maxamud axmed
10- cabdikariin jamac daahir
11 -suleiman abdisitaar dubad
12-cabdiwahab adan axmed
13- xasan saleban nuur
14- jamal cabdi axmed
15- mustafe cabdi maxamed
iyo guud ahaan dhalinyarrada deegaanka hargeysa



mahamed abdilahi cumar
hargeisa somaliland
mccdeeq@hotmail.com


Fikirka halkan ku qoran kama masuul aha saxansaxo press waxaa ka masuul ah magaca ku saxiixan
Fikirka halkan ku qoran kama masuul aha saxansaxo press waxaa ka masuul ah magaca ku saxiixan